​Xasan Sheekh oo difaacay Khaladaadkii doorashooyinka Barlamanka cusub [DHAGEYSO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda uu Waqtiga ka dhammaadey Xasan Sheekh Maxa'uud ayaa sheegay in Baarlamaanka cusub ee shalay la dhaariyay uu ka duwan yahay dhaqanka Baarlamaanadii hore.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh in Xildhibaanada cusub inay xambaarsan yihiin aragtida iyo fariinta gobollada laga soo doortay, sidoo kalena ay ku jiraan dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh.

"Baarlamaankan cusub wuxu ka duwan yahay Baarlamaanadii hore in lagu soo doortay Deegaan Doorashooyinka Shacabka wax dooranayay ee codka bixinayay ay Deegan yihiin, waxay xambaarsan yihiin fariintii ay dadkaasi ay usoo dhiibteen, taasi oo aan aaminsanahay inay ka duwanaandoonta dhaqanka Xildhibaanadii hore," Ayuu yiri MD Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay Guddiyada amniga iyo Doorashooyinka oo horseeday inay qabsoonto soo xulista Xildhibaanada Somalia.

Waxa uu Xasan Sheekh ugu baaqay Beesha caalamka inay la shaqeyso Baarlamaanka cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay qaladaad badan dhaceen intii ay doorashada socotay, isagoo ciladaasi u sababeeyay Daruufaha dalka ka jira, oo uu sheegay inay keeneen Khilaafyo badan.

Qaladaadka ka dhacay Doorashada ayaa waxaa kamid ah Musuq-maasuq, Handadaad, Cod-iibsasho, Bedelaada Ergada Beelaha iyo Sed-buris xooggan oo lagu sameeyay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Kuraasnbadan oo kamid ah Baarlamaanka ayay Beesha caalamka xuseen in Doorashadooda aan loo marin hanaanka doorashada, waxayna mugdi galiyeen la shaqaynta dowladda cusub, haddii aan dib loogu laaban Kuraastaas gaaraysa 24-ka.

Dhanka kale, Madaxweyne  waqtigu ka idlaaday Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladdiisa ay fashiliyeen dhowr isku day oo kooxaha ammaan xumada wada ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan dhaarinta Xildhibaanada maalintii Shalay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM