​Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Galkacyo [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa beeniyay in dowladda Somalia ku lug leedahay Colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo ee u dhaxaysa Galmudug iyo Puntland.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh in Dagaalka soo socday mudo 100 sano ah, horeyna loo sameeyay heshiisyo nabadeed iyo waan-waan badan, oo madaxda labada dhinac ay sameeyeen, Beesha caalamkuna marqaati ka ahayd.

Xasan Sheekh ayaa xusay in Colaadda Gaalkacyo sababta soo celceliysay ay tahay in aan si wanaagsan, oo dhab ah loo dhaqan-gelin Heshiisyadii hore, oo ugu dambeeyay midkii December 5, 2015 dhacay, kaasi oo Beesha Caalamka Goobjoog ka ahayd.

"Dowladda Federaalka Somalia meel ay uga shaqeyso hurin colaadeed ma jirto, laakiin waxaa la taaban karaa oo marqaati leh in aan meelo badan uga shaqeynay inay Colaadda degto," Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Colaadda Gaalkacyo mid soo jireen ah, oo aysan shalay billaaban, sidoo kalena ka horeysay maamulada Galmudug iyo Puntland, oo xilligii Col Cabdullaahi Yuusuf iyo Jen Caydiid soo jirtay.

"Dagaalka Gaalkacyo wuxuu u baahan yahay in si dhab ah looga shaqeeyo, lana dul-istaago waxyaabaha keena in colaadda soo noq-noqoto, haddana waa loo balansan yahay in Gaalkacyo la isagu tago oo markale xal loo raadiyo Dagaalkaasi," Ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hadalkan ka sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyay Tv-ga Universal, taasi oo uga hadlay dagaalka soo cusboonaaday ee Magaalada Gaalkacyo.

Hadalka Xasan Sheekh wuxuu yimid xilli Todobaadkii hore madaxweniyaasha Galmudug iyo Puntland Heshiis ku aadan deminta Colaadda Gaalkacyo ku gaareey magaalada Abu Dhabi, ee dalka UAE inkastoo fashilmay kadib markii labada dhinac dagal dhexmray maalintii Shalay ahayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM