Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabay dhawaaqii ka soo baxay Midowga Yurub ee ku aaddanaa in xayiraad lagu soo rogi doono fiisooyinka la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo xalay ka hadlayay munaasabad loo sameeyay xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya 26-ka June, ayaa qirtay inuu jiro khilaaf u dhexeeya dowladdiisa iyo Midowga Yurub. Khilaafkan ayaa la xiriira dib u soo celinta dadka dalkooda laga soo diiday magangalyada ee ku sugan qaaradda Yurub.

Madaxweynaha ayaa hadal daliyay dood xoogan ka dib markii uu sheegay in Midowga Yurub uu doonayo inuu Soomaaliya ku soo celiyo "shakhsiyaad aan u dhalan dalka Soomaaliya".

Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray in Soomaaliya ay diidday inay dib u qaabisho muwaadiniinteeda u dhashay dalka ee ku sugan caasimadaha iyo waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, isagoo ku adkaystay inay taasi tahay mid xaqiiqda ka fog.

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen, ee ku aadan dib usoo celinta Soomaalida sharci-darada ku jooga dalalka Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM