​Xasan Sheekh oo ka qayb galaya shir ka dhacaya Mauritania

Image
Image
Image
Image

Muqdishu, Somalia- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi kasocda dalka Mauritania oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Isselkou Ould Ahmed Izid Bih.

Socdaalka wasiirkan ayaa salka ku haya casumaad uu kawado madaxweynaha dalkaasi Mohamed Ould Abdel Aziz, kaasoo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ka qayb gasho shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dhammaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbaley martiqaadkaasi isagoo sheegay in Soomaaliya uu shirkaasi muhiim u yahay, ayna ka qeybgeli doonto. , isagoo ka codsadey Wasiirka inuu salaan qiimo badan ka gaarsiiyo Madaxweyne Ould Abdel Aziz.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mauritaniam Mudane Ahmed Izid Bih, ayaa sheegay in dalkiisu oo markii ugu horeysay martigelinayaa shir madaxeedkan uu xoogga saarayo in ajendayaasha ugu waaweyn ee laga doodi doono ay arrimaha Soomaaliya ka mid noqoto, isla markaana ku boorrin doonaan waddamada Carabta inay gacan weyn ka geystaan taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM