Xasan Sheekh oo mooshinka laga keenay soo dhoweeyey [DHEGEYSO]

Image

August 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo galabta Shir jiraa’id ku qabtay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Mooshinka ay ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa tilmaamay in Xildhibaanada Mooshinka ka keenay  uu u arko kuwo gudanaya waajibaadkooda Shaqo, waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay in laga fiirsado.

“Waxaan ku talinlahaa in laga fiirsado Mooshinka ay xildhibaanada qaar keeneen, mooshinku ma Xuma laakiin waxaa uu dib u dhac ku keeni karaa nidaamka Dowladnimo”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si adag u dhaliilay shakhsiyaad gaar ah oo sida uu sheegay iska leh abaabulka Mooshinka arbacadii gacanta loo geliyay Guddoonka Sare Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxa uu shakhsiyaadkaasi uu ku dhaliilay inay Mooshinkan ka lee yihiin dano gaar ah taasina ay tahay midda keentay inay xilligan karkariyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM