Xasan Sheekh oo soo saarey baaq ku aadan federaalka
GAROWE, Puntland – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlayey Madasha Dooda ee PDRC Talks ee Garowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay nidaamka federaalka ayna tahay in lasii xoojiyo.
"Federaaleyntu ma ahan Dhakhtar dawo qoray oo ay khasab tahay in sideeda loo qaatay, wuxuu u baahan yahay inaan qaadanno nooca aan u baahannahay kadibna aan ku dhaqanno," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Wuxuu ku daray: "Maanta Option kale oo la qadan karo ma jiro oo aan aheyn Federalism, waana in la dhaqan gasho".
Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa ka sheekeeyay dhismaha dowlad goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
"Jubaland sameysinkeedii dhib badan baa naga qabsaday, IGAD oo Nairobi ka bilowday, waan ka diidnay, Xamar ayaan keennay, waa sii adkaatay, Maamulkii si uun waa lagu dhawaaqay, Madax ayaa lagu dhawaaqay, is qab-qabsi ayaa yimid, muddo ayaa kasoo wareegtay Addis Ababa ayaa la isugu tagay, nidaam ayaan kusoo Heshiinnay, Awoodihii ayaan soo kala qaadannay, Maamul ku meel gaar ah ayaan u aqoonsannay," ayuu tibaaxay.
Xasan ayaa ku daray: "Koonfur Galbeed, dhisidda Maamulkaas isna caqabadiisu ma yareyn, Halgankeedii ayaan bilownay, Baydhabo ayaan ka bilownay, Mudaharaad, Shoobbare, 6 Gobol ayaan nahay iyo 3 Gobol dood ah ayaa bilaabatay, aakhirkii labada koox-ba waan la fariistay, waxaan isla qaadannay in 3 Gobol Maamulka Koonfur Galbeed noqdaan".
"Galmudug, 3 Maamul ayaa ka jiray, Maamul Galmudug la yiraahdo oo Puntland saaxiib la ah, Maamul Xibin & Xeeb la yiraahdo iyo niman Ahlu Sunna la yiraahdo oo Alshabaab yac iska yiri, 3 qeybood oo midiba midda kale aysan u gelin, balse Hayb wadaag ah, 8 bilood ayaan la rafanaynay, markii dambe si uun riixid ah ayaan isugu keennay, 11 Qabiil ayaa isu yimid, wixii ayaa la qeyb-saday, aakhirkii Galmudug sidaas ayay ku sameysan-tay," ayuu tilmaamay.
Isaga oo sii hadlaya ayuu raaciyey: "4 Dawlad Goboleed ayaan dhisnay, dabcan ma dhameystirna oo Dib-u heshiisiin iyo farsamooyin badan oo Qabyo ahaa waa jireen, sidaas ayaase nidaamkii Federaalku ku hirgalay".
Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan gobolada ay Somaliland iyo Puntland isku hayaan ee Sool iyo Sanaag.
"Gobolada Sool iyo Sanaag waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo midnimada dhib badan ka soo gaartay, [qadiyadooda maamul u sameynta] lagama xalin karo Hargeysa, Garoowe iyo Villa Soomaaliya waxaana u arkaa in lagu xaliyo mashruuca weyn ee socda ee Soomaalinimada ah," ayuu xusay.
Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalo qaraar ku dhexmaray degaano ka tirsan goboladan, waxaana mid kasta uu sheeganayaan in isaga hoos-yimaadan.
"Siyaasiyiinta Soomaalida qaasatan kuwa dowladda dhexe jooga reerkooda waxa ay rabaan 'maya' ma dhihi karaan inta badan; 'waxaan ma shaqeynayaan ee raali ahaada' in ay yiraahdaan kuma dhacaan," ayuu Xasan kusoo xiray hadalkiisa.
GAROWE ONLINE