Xasan Sheekh oo soo xiray shirka Qurba joogta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa galinkii dambe manta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagusoo gaba gabeeyay shir u socday qurba joogta Somalida ee ku dhaqan daafaha caalaamka kaasoo muddo saddex casho ah kasocday caasumadda Somalia.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka Qurba joogtu ku leeyihiin xasilinta iyo dib u dhiska Somalia, waxaana gunaanadkiisii kazoo qayb galay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia iyo xubno kasocday golayaasha dowladda.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay dalku inuusan u baahneyn qurbo joog faro maran oo dadka gudaha ku wax bartey shaqooyinka ku cariiriya wuxuu soo jeediyay in lala yimaado hal abuur iyo fikrado abuuri karo shaqooyin dadka oo dhan ku wada fillan.

Qurba joogta yeelatay shirka ayaa soo saaray qodobo ay ku sheegeen inuu yahay maxsuulka kazoo baxay kulankooda, waxayna aad u taageereen hormarka ka jira Somalia iyagoo dhinaca kale caddeeyay inay diyaar u yihiin sidii Somalia ula jaan qaadi lahayd waddamada kale ee caalamka.

Khudbad uu xiritaankii shirka ka jeediyay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, wuxuu ku sheegay in shirkan oo muhiim ah lagu soo beegay waqtigiisii isagoo xusay in dalka Somalia marxaladda haatan uu joogo door fiican ka cayaari karaan bulshada ku dhaqan qurbaha isagoo ku ammaan kaalintii ay qaateen waqtigii lagu jiray colaadaha iyo dagaallada sokeeye.

Kulankan ayaa lagusoo beegay xilli muddo kooban ka harsantahay doorashada waddanka Somalia, waxaana socda dadaallo qurba joogto ganacsi iyo shaqooyinba kaga sameysanayaan dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM