Xasan Sheekh: xukuumad la isku shaandheynayaa ma jirto

Image

June 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey war maalmihii u dambeeyey laysla dhex marayey oo sheegayey in isku-shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirrada  Dowladda Federaalka islamarkaana la kala diri doono baarlammaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay shir-jaraa'id ku qabtey aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad midna lahayn.

"isku-shaandheyni ma jirto, laakiin wasiirkii shaqadiisa qabsan waaya waa la dirayaa, balse xukuumad la kala dirayaa ma jirto" ayuu yiri.

Waxaa xusid mudan in muddadii saddexda sano ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayey Dowladda Federaalka Soomaaliya  la kala direy saddex xukuumadood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM