Xasan Shiiikh oo loogu baaqey inuu Villa Somalia kasoo baxo [ DAAWO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan magalaada Muqdishu isugu yimaadeen qaar ka tirsan musharaxiinta u taagan xilka uga sareeya  Somalia ayaa ugu baaqey in Madaxwyne Xasan Shiikh maalinta berri ah soo baneeyo xarunta Villa Somalia.

Xubnaha kulankaan isugu ayaa waxaa kamid ahaa Ra'isal wasarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh Xasan isagoo hadal uu saxaafada u jeediyey ugu baaqey madaxweyne Xasan Shiikh in xilka maalinta berri ah kaga egyahay islamarkaana tahay talaabo Dastuuri ah inuu baneeyo xafiiska.

" Madaxwynaha waqtiga waa ka dhamaadey mana aan ogin qaab sharciyeed uu ku sii joogi karo, waxaan leenahay Xasan Shiikh way kaa dhamaatey waqtigii dadka Somaliyeed ay ku jaangooyeen Inaad maamusho dalkaan hadda waxaa lamid tahay musharaxiinta kale,  marka kursiga waad ka dageysaa villa Somaliyana dadkey u dhexeysay waad kasoo baxeysaa iyadana" ayuu yiri Rai'sal wasarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh oo la hadlay saaxafada kulankaan kadib.

Ra'isal wasarihii hore ee Somalia oo war-saxafadeedkaan ka hadlaya ayaa sidoo kale ka dalbadey Madaxwyne Xasan Shiikh in baabuurta xabada aan karin shacabka Somalida uu leeyahay iyagana uu ka dagayo.

Kulankaan ayaa Madaxweynaha Somalia kaasoo xilkiisa ku egyahay Sept 10, 2016 laga dalbadey inuusan isku adkeyn kursiga iyagoo uga digey in talabadaas dhibaato keeni karto.

War saxaafadeedkaan ayaa sidoo kale lagu sheegey ineysan jirin sharciyad uu leeyahay kulanka madaxda Dowlada Fedeaalka ah iyo kuwa maamulada Somalia uga socda xarunta Villa Somalia iyagoo ku tilmaamay iney tahay riwaayad xubnahaan dhigayaan.

Hadalka musharaxiinta xilka Madaxweynaha  Somalia ayaa imaanya iyadoo maalinta berri ah xillkii Afarta sano ahaa kaga egtahay Madaxweyne Xasan Shiikh kasoo la doortey 10 Sept, 2012. 

HALKAN KA DAAWO HADALKA RA'ISAL WASAARIHIi HORE EE SOMALIA - Xuquuda video Abdinasir Mohamad

GAROWEONLINE  

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM