Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo dagay Hotel ku dhow Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya | Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shiikh  Shariif ayaa habeenkii xalay waxay dageen Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa xusaya in labada Madaxweyne ay Hotelka ka abaabulayaan bannaan baxa Jimcaha 19 Feb.2021 ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Hotelka Nasahablood 2 ayaa waxaa uu  ku dhow yahay Taalada Daljirka Dahsoon halkaas oo loogu balansan yahay in musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo tageerayaashooda ku diidaan qorshe Madaxweynaha xilka uu ka dhamaadey "Farmaajo" ku sii joogo Villa Somalia isagoo aan qaban wax doorasho ah.

Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah labada Madaxweyne ee hore ayaa la wareegay ammaanka Hotelka iyo nawaaxigiisa. Hotelka Naasahablood 2 waxaa ku dhow Bar koontarool oo Ciidanka Madaxtooyada ku leeyihiin agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Qabashada mudahraadkaan ayaa ku soo beegantey qoraal xalay ka soo baxay Madaxweynaha xilku ka dhamaadey in 18-19 Feb. shir ay isugu imaanyaan madaxda Maamulada kaa soo ugu dambeyntii la ogolaadey inuu ka dhaco Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM