Xasan Shiikh: Jubbland KMG waa ay ka gudubtay

Image

Sept 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dalbaday maamulka Jubbaland in waan waan iyo wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka ka jira dhismaha maamulka.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in marka dowladda la dhisayo ay imaanayaan tabasho, wuxuuna ku booriyey qaybaha kala  duwan ee maamulka iyo bulshada Jubbaland in si hoose loo dhammeeyo khilaafaadka taagan 

Madaxwayne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay ka baxday kumeel gaar haatana tahay xukuumad dhamaystiran, isla markaana sheegay inay soo dhawaynayaa shirka heshiisiinta beelaha Somalia inay Jubbland qabato.

Mudane Xasan Shiikh ayaa ku celceliyey in Jubbaland Somali oo dhan ka dhexeyso tasoo khasabtey in arrimiheeda laga hadlo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM