Xasan Shiikh oo laga gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo

Image

13 August, 2015 (GO)- Xildhibano ka tirsan Barlamanka dowlada Federaalka ayaa maalintii shaley 12 August, 2015 u gudbiyye gudoonka aqalka wakiilada mooshin ka dhan madaxweyne Xasan Shiikh.

Mooshinkaan oo ay gudbiyeen xildhibaano gaaraya 115 ayaa qeexaya in madaxweynaha lagu sameeyo xil ka qaadis kadib markii uu sameeyey khiyaamo qaran waa sida ay ku muujiyeen qoraal ka koban sagaal bog oo ay gudbiyeen.

Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Somalia ayaa sharciga waxaa uu qabaa iney gudbin karaan xildhibaano gaaraya 92 xubnood.

Dhaqdhaqaaqa mooshin ka dhan ah madaxweynaha dowlada federaalka ah ayaa ka bilowdey magaalada Muqdishu maalmo kadib markii madaxda sare ee dalka cadeeyeen in wadanka aysan 2016 ka dhici karin doorashooyin madaxbanaan taasoo guux ku abuurtey xildhibanada Barlamanka.

Lama oga cidda dabada ka riixeysa mooshinkaan xildhibaanada u gudbiyeen gudoonka sare ee barlamanka balse warar warsidaha Garowe online helayo ayaa sheegaya iney jiraan siyaasiyiin aaminsan in madaxweyne Xasan Shiikh xilka laga qaado inta aan la garain 2016. Siyaasiyiintaan oo qaar ka tirsan kamid yihiin xildhibaanada ayaa aaminsan in kororsi Barlamanka Federaalka ah sameeyo balse madaxda sare xilka laga qaado kadibna la doorto madaxweyne cusub iyo xukuumadiisa.

Dhinaca kale Barlamanka Federaalka ayaa mooshino uu horey u keeney waxaa ay ku dhamaadeen kuwa dowlada lacago badan ku bixiso kadibna gaari waayey ujeedadii laga lahaa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa mooshinkaan cusub waxaa uu ku noqanayaa loolan cusub oo siyaasdeed kaasoo waxyeelo u gaysan doona qorshihiisa siyaasdeed ee ku aadan doorashooyinka aan la garaneyn qaabka ay u dhacayaan sanadka 2016.

Hoos ka ka akhri mooshinka xildhibaanada ka keeneen madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia;

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM