Xasan Shiikh: Wax badan baan ka qabtey 6-dii tiir aan balanqaadey

Image

Madaxweynaha Somalia Xasan Shikh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey 3 guuradii kasoo wareegtay markii uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday ayaa sheegay iney waxyaabo badan u qabsoomeen mudadii uu dalka hogaaminayey.

Madaxweynu waxaa uu sheegay in dowladiisu mudadii ay jirtay wax weyn ka qabatay amniga, wuxuuna tibaaxay iney ku guuleysteen xaqiijinta amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Xasan Shiikh ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka federaalka ay qaadatay Somalia uu yahay mid aysan si wanaagsan u fahmin inta badan shacabku, wuxuuna tibaaxay in dowladiisu dhamaystirayso dhismaha maamul goboleedyada si loo dardar galiyo hirgalinta nidaamkan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in markii uu la wareegayey xilka aysan magaalada Muqdisho dowladdu wada maamuleen, wuxuuna ka dhawaajiyey in xiligan dowladdu gacanta ku hayso inta badan gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku faanay inuu wax badan ka qabtay dhinacyada siyaasadda arimaha dibadda iyo garsoorka dalka.

Dadka dhalila madaxweynaha Somalia ayaa ku tilmaama in Mud.Xasan Shiikh uu ku guuldareystey intii uu talada dalka hayey ballan qaadkii shacabka u sameeyey sanadkii 2012kii.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federaalka ayaa dhowaan soo saarey mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha kuwasoo ku eedeynaya in khayaamo qaran.

Dhinaca kale waxaa jira mooshin kale oo xildhibanao tageersan madaxweyne Xasan Shiikh ag dhigeen gudoonka Barlamanka.

Gudoonka Barlamanka Somalia ayaa qoraal uu dhowan soo saarey ku sheegey inuu dhexdhexaadinayo xildhibanaada is-diidan iyo madaxda ugu sareysa dowlada gaar ahaan madaxweynaha Federaalka oo eedeyn laga soo gudbiyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM