Xayir Maareeye "Cali dheere maanta haduu yimaado waa cafis" [Dhagayso]

Image

08 September, 2015(GO)-Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay cafinayso Sheekh Cali Dheere  Afhayeenka guud ee ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta DFS Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye".

Maareeye oo hadalka ka sheegay xaflad uu kaga qayb galay Muqdisho ayaa tilmaamay shaqsi walba oo la qalday inay dowladdu soo dhaweyn doonto dibna loo dhaqan celin doono isagoon wax dhibaato ah loo geysan.

"Dadka nabadiidka ah iyaga oo dowladda dhibaya, qarxinaya oo laynaya ayay tiri cafis baad tihiin, Cali Dheere haddii uu maanta yimaado waa cafis, Somali kasta intaas ayaanu dilnay soo ma dhaho? waayo waa Soomaali la khalday , inaan dhaqan celinno meel gayno uu arko in dadka ay Muslim yihiin, in cibaadadooda ay ka badan tahay tiisa inuu arko, baan diyaar u nahay” Ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka warfaafinta Somalia Xayir Maareeye ayaa shacabka Somaliyeed ka dalbaday inay gacan ka geystan sugidda amniga dalka iyo horumarkiisa, isla markaana la shaqeyaan hay'adaha u xilsaaran.

Saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa dowladda Somalia isku soo dhibaay, waxaana madaxda DFS sheegeen in cafis loo fidin doono cid kasta oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee isku soo dhiiba dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM