Xeer-ilaalinta oo dalbatay in toogasho lagu xukumay askari dilay Bajaajle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxaa kasoo muuqday askari ka tirsan bileyska oo dilay Bajaajle.

Cali Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa in uu isgoyska Tarbuunka, degmada Hodan ee Muqdisho uu 8-dii Maaj ku khaariyey marxuum C/risaaq Yuusuf Guure.

Dacwad oogeyaasha oo sheegay in caddeymaha iyo marqaatiyaasha ay muujinayaa "in falku ahaa ola kac" ayaa cod-saday in dil toogasho lagu xukumay Cali.

Hasayeeshee, qareenada difaacaya eedeysanaha ayaa ku doodaya in askariga uu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa qaran xiliga uu shilku dhacayey.

Qareenada ayaa cod dheer ku qeexay in Booliska uu bixin doono diyadda [magta], waxayna dalbadeen in xorriyadiisa loo celiyo Cali Maxamuud Maxamed.

Gudoonka Maxkamada oo soo xiray fadhiga kaasoo saacado badan qaatay ayaa shaaciyey in go'aanka ugu dambeeya ay qoraal ahaan kusoo saari doonan.

Sikastaba ha ahaatee, dhageysiga maxkamadeynta Dable Cali ayaa waxaa goobjoog ka ahaa askartii ay wadashaqeynayeen si ay ugu waano qaataan.

Waa markii ugu horeysay inta la xusuusan yahay in askari ka tirsan Booliska maxkamad loosoo taago dilka Bajaajle kaasi oo bilooyinkii dambe korortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM