Xeer-ilaalinta oo dalbatay in toogasho lagu xukumay askari dilay Bajaajle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxaa kasoo muuqday askari ka tirsan bileyska oo dilay Bajaajle.

Cali Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa in uu isgoyska Tarbuunka, degmada Hodan ee Muqdisho uu 8-dii Maaj ku khaariyey marxuum C/risaaq Yuusuf Guure.

Dacwad oogeyaasha oo sheegay in caddeymaha iyo marqaatiyaasha ay muujinayaa "in falku ahaa ola kac" ayaa cod-saday in dil toogasho lagu xukumay Cali.

Hasayeeshee, qareenada difaacaya eedeysanaha ayaa ku doodaya in askariga uu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa qaran xiliga uu shilku dhacayey.

Qareenada ayaa cod dheer ku qeexay in Booliska uu bixin doono diyadda [magta], waxayna dalbadeen in xorriyadiisa loo celiyo Cali Maxamuud Maxamed.

Gudoonka Maxkamada oo soo xiray fadhiga kaasoo saacado badan qaatay ayaa shaaciyey in go'aanka ugu dambeeya ay qoraal ahaan kusoo saari doonan.

Sikastaba ha ahaatee, dhageysiga maxkamadeynta Dable Cali ayaa waxaa goobjoog ka ahaa askartii ay wadashaqeynayeen si ay ugu waano qaataan.

Waa markii ugu horeysay inta la xusuusan yahay in askari ka tirsan Booliska maxkamad loosoo taago dilka Bajaajle kaasi oo bilooyinkii dambe korortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM