Xeer ku saabsan askari lagu dilay gudaha Soomaaliya oo la ansixiyey

Image

WASHINGTON, US – Baarlamaanka Mareykanka ayaa qarka u saaran in uu meelmariyo hindise sharciyeed xarun caafimaad loogu magac-darayo askari Ameerikaan ah oo laba sano kahor lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Aqalka Wakiilada ayaa xeerkaan ansixiyey Arbacadii, waxaana qorshuhu yahay in loo gudbiyo Senate-ka si waajibaadkooda uga gutaan.

Alexander Conrad oo kasoo jeeda magaaladda Chandler ee gobolka Arizona waxaa loogu magac-darayaa xarun lagu daaweeyo askarta halyeeyada ah ee Mareykanka uga soo dhawacma argagixiso la dirirka.

Sharci-dejiye Andy Biggs oo ka tirsan Jamhuuriga isla markaana ku jira mudaneyaasha gedaal ka riixaya xeerkaan ayaa caddeeyay in ay todobaadka soo aadan uu Aqalka Sare cod u qaadi doono hindisa sharciyeedka.

Sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah, mudaneyaasha u ololeynaya xeerkaan ayaa gaaraya sideed, waxaana ay kasoo jeedaan gobolka Arizona.

Conrad ayaa bishii June 8-deeda sanadkii 2018-kii waxaa lagu dilay Soomaaliya kadib markii ay weerar gaadmo ah ku ekeysay Al-Shabaab.

Ciidamadda Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu sheegaa in ay gaarayaan ku dhowaad 500 isla markaana ay isugu jiraan tababareyaal, sirdoon iyo askar fulisa howlgaladda ka dhanka ah argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM