Dowladda Soomaaliya oo kordhisay cadaadiska maamulka Xaaf

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada Federaalka ah ayaa mar kale ku tartarsiisay hogaanka Galmudug in doorashada madaxweynaha maamulkaasi uu ku qabto mudada uu dhigayo dastuurka.

Sidda uu qabo Axadiga dowlad goboleedkaasi, kaasoo isbedel lagu sameeyay dhawaan, doorashadda Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ayaa waxay dhaceysaa bisha July ee sanadkan 2019.

Balse madaxweynaha haatan, Axmed Ducaale Xaaf oo soo daliishanaya isbedelka dastuurka Galmudug lagu sameeyay iyo midowga Ahlu Sunna iyo maamulkiisa, ayaa ku doodaya in uu afarta sano ee soo socota uu sii joogayo xafiiska.

Doodiisa oo ay ku gacan-seyreen madaxda dowladda federaalka ah ayaa sababtay khilaaf siyaasadeed in muddo ah taagan kaasi oo sababay in labada dhinac ay eedeymo culus isku jeediyaan.

Madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo damacsan in kursiga ugu sareeya Galmudug uu ku fadhiisato siyaasi daacad u ah ayaa kala qeybisay hogaanka Galmudug oo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda federaalka oo shir ku baaqdey ayaa sidoo kale ka dalbatay shacabka Galmudug in ay door ka cayaaraan sidii loo xalin lahaa khilaaf ka dhex-jira hogaanka dowlad goboleedkaasi.

Khilaafka Galmudug iyo madaxda dowlada federaalka ayaa kamid ahaa qodobadii ugu cuslaa ee keenay burburka Shirkii Garowe, waxaana guuldareystay wadahadal dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf.

Arrimahaan oo idil waxay imaanayaan iyaddoo muda xileedka madaxda Villa Soomaaliya uu uga harsan yahay sanad iyo bilooyin, ayna damacsan yihiin in ay kursiga difaacdan doorashada soo aadan.

Siyaasiyiinta qaar ee dhaliilsan xukuumada hadda jirtay ayaa ku baaqey in laga dhiidhiyo "shirqool" ay madaxdu isku dabaridayaan oo ku aadan in ay gacanta ku dhigaan Galmudug iyo Jubbaland si doorashada soo socota u hantaan guusha.

Madaxweyne Farmaajo oo la doortay bishii Febuary ee 2017 ayaa balanqaadey dhowr arrimood oo uu wax ka qabanayo sida amniga iyo xasiloonida siyaasada ee dalka afarta sano ee uu xilka hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM