XFS oo cadaadis saareysa hay'addaha maamula kaalmada dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dedaal ugu jirto sidii ay ula wareegi lahayd maamulka kaalmadda Beesha Caalamku siiso dowladda.

Hay’addo kala duwan ayaa haatan maamula deeqahaasi, waxaana ay jaan-gooyaan meelaha lagu bixinayo iyo qarashka.

Cabdullaahi Xaamuud, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, oo shaaciyey in dowladdu dooneyso in ay la wareegto howshaasi ayaa kalsooni ka muujiyey in ay ku guuleysan doonan.

Mr Xaamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale tibaaxay in ay u han-qaltaagayan in ay sharciyad siiyaan kaalamadaasi iyo in la hubiyo hadii ay gaartey goobaha looga baahan yahay mucaawinada.

"Soomaaliya waxaa ku baxda $900 [sagaal boqol] milyan oo dollar-ka Mareykanka," ayuu yiri kadib kulanka Khayre iyo hay’addaha.

Xasan Cali Khayre ayaa kulanka sheegay in qaybo kamid ah Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka jirto xaalad bini'aadanimo oo u baahan gargaar degdeg gaar ahaan dhanka biyaha iyo horumarinta.

Soomaaliya oo lagu tilmaamo mid kamid ah dalalka ugu musuqmaasuq badan caalamka ayaa sababtaasi awgeed waxay dhex-lisay in hay’addaha dowladda lagu aamini waayo in lagu wareejiyo lacagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM