Xi Jinping oo balanqaad u sameeyay Farmaajo

Image

BEIJING, China – Madaxweynaha wadanka Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhigiisa Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kala shaqeeyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada waddan.

Sidda ay warisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda China, Xi ayaa ka dhawaajiyey in iskaashigaas ay marsiin doonan barnaamijka ay ku maalgashadan dalalka ay danaha ka leeyihiin ee Belt and Road Initiative.

Xi ayaa, sidda ay Isniinta maanta ah daabacdey Xinhua News Agency, rumeysan in talaabadaas ay kawada faa'iidi doonan shacabka labadda waddan.

Dhawaqan ayuu Xi kaga dhawaajiyey fariimo ay is-dhaafsadeen dhigiisa Soomaaliya. Dhambaaladaas waxaa loogu dabaaldegayey 60-sano guurada kasoo wareegatay markii ay labada dal yeesheen xiriir diblumaasiyadeed.

China ayaa kamid ah dowladaha sidda weyn u garab taagan xukuumadda haatan jirta ee Soomaaliya, isagoo ka saxiixdey heshiis u ogolaanaya ganacsatadiisa in ay jilaabtaan kaluunka tuunaha wallow uu muran ka taagan yahay.

Xukuumadda Beijing ayaa sanadihii u dambeysay waxay xoojisay galaagankeeda qaaradda Afrika si gaar ah Soomaaliya iyadda oo ka hortageysa is-balaarinta Mareykanka iyo Ruushka kuwaasoo loolan uu kala dhaxeeyo.

Muqdisho oo u muuqata mid ku jahwareersan loolanka juquraafi siyaasadeed ayaa khilaafkii Khaliijka la safatay Qadar, wallow dhexdhexaadnimo sheegatay, haddana talaabooyinka ay qaadey waxay u jaranjeereen dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM