Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Image

GAROWE – Dowladda Puntland ayaa si adag u gachay jadwal doorasho oo uu xalay soo saaray Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha ee heer federal, kaas oo khuseeya doorashooyinka golayaasha degaanka ee dowlad goboleedyada dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa qoraal kulul oo ay soo saartay ku tilmaantay tallaabadan mid "sharci-darro ah" iyo faragalin lagu hayo madax-bannaanida maamulkaas.

"Faragalin iyo Khalkhal Siyaasadeed"

Qodobada ugu waaweyn ee ay Puntland cuskatay waxaa ka mid ah:

Arrinta Galdogob: Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug, halkaas oo ay Puntland horey uga qabatay doorashooyin dadban 25-kii May 2023.

Gobollada Sool iyo Cayn: Puntland waxay ku adkaysatay in degmooyin ka tirsan gobolladan ay dastuur ahaan ka mid yihiin dhulkeeda, aysanna aqbalayn in cid kale ay jadwalka doorasho ka soo saarto.

Awoodaha Dastuuriga ah: Maamulku wuxuu xusay in qodobka 120-aad ee Dastuurka Federaalka uu dhigayo in doorashooyinka heer dawlad-goboleed ay yihiin awood u gaar ah maamullada xubnaha ka ah federaalka.

"Guddiga jadwalkan soo saaray kuma dhisna heshiis iyo sharci midna, mana aqoonsanid jiritaankooda. Kama hawl-gali karaan dhulka iyo xuduudaha dastuuriga ah ee Puntland," ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Eedaymo loo Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Puntland ayaa si toos ah farta ugu fiiqday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku eedaysay inuu guddigan u adeegsanayo "hurinta xiisado siyaasadeed, kala qaybin bulsho iyo wiiqitaanka nidaamka federaalka" ee dalku ku dhisan yahay.

Jawaabta Guddiga Doorashooyinka

Waxyar ka dib markii uu soo baxay qoraalka Puntland, Guddiga Doorashooyinka ee heer Federal ayaa isbeddel ku sameeyay jadwalkooda, iyagoo si rasmi ah uga saaray degmada Galdogob. Guddigu wuxuu qirtay in degmadaas "si qaldan" loogu daray liiska, iyagoo aqoonsaday inay ka tirsan tahay degaannada maamulka Puntland.

Xiisaddan ayaa ku soo aadaysa xilli uu weli jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxda federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo salka ku haya hannaanka wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Puntland oo cambaaraysay jadwalka doorashada dowlad goboleedyada oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 02:15PM

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM