Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Image

Xiisad cusub ayaa ka soo korortay waqooyiga Itoobiya, iyadoo warar ay soo xigteen diblomaasiyiin goboleed ay sheegayaan in Itoobiya iyo Eritrea ay ciidamo iyo qalab milatari u dirayaan gobolka Tigray, taas oo sare u qaadaysa khatarta dagaal mar kale ka qarxa Geeska Afrika.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay dagaalkii laba sano qaatay ee ku dhammaaday 2022, kaas oo sababay dhimasho baahsan iyo burbur dhaqaale oo lagu qiyaasay balaayiin doolar. Inkastoo heshiis nabadeed la gaaray, haddana weli waxaa jira muran u dhexeeya dowladda Federaalka Itoobiya iyo hoggaanka TPLF ee Tigray, gaar ahaan arrimaha dib-u-dejinta barakacayaasha iyo dhulka galbeedka Tigray ee xadka la leh Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay rabitaanka dalkiisa ee helitaanka marin badeed, isagoo sheegay in Itoobiya aanay sii ahaan karin dal juqraafi ahaan xiran, islamarkaana helitaanka badda uu fure u yahay koboca dhaqaalaha.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa eedeyn u jeediyay Addis Ababa, isagoo sheegay in doodaha ku saabsan helitaanka “marin badeed madax-bannaan” aysan taageero ka haysan beesha caalamka.

Warar kale ayaa tilmaamaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaannada u dhow xadka Tigray, iyadoo la arkay kolonyo ciidan iyo qalab culus oo la dhaqaajinayo. Isla mar ahaantaana, Eritrea ayaa muujisay awood milatari kadib bandhig ciidan oo badeed oo ka dhacay dekedda Massawa.

Ku lug lahaanshaha quwado iyo xulufo goboleed ayaa sare u qaadaya khatarta ah in dagaal kasta oo dhaca uu soo jiito dalal ka baxsan Geeska Afrika. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageero dhaqaale siisa xukuumadda Abiy, halka Masar iyo Sacuudi Carabiya ay la safan yihiin Eritrea iyo TPLF. Dagaalka sokeeye ee Suudaan ka socda muddo saddex sano ah, Khartoum iyo dowlado reer Galbeed ah ayaa Imaaraadka ku eedeeyey inay taageeraan RSF — eedeyn ay diiday — halka Masar iyo Sacuudigu taageeraan ciidanka dowladda Suudaan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda International Crisis Group ayaa lagu sheegay in inkastoo dhinacyadu ka feejigan yihiin hurinta dagaal cusub, haddana tabashooyinka taagan, hadallada sii kululaanaya iyo diyaar-garowga milatari ay muujinayaan in la isu diyaarinayo suurtagalnimada dagaal kale.

Hay’addu waxay ka digtay in haddii aan la qaadin tallaabooyin heer gobol iyo caalami ah oo lagu dejinayo xiisadda, ay Itoobiya, Eritrea iyo Tigray u jihaysan karaan dagaal cusub oo ballaaran oo adkaan doona in la xakameeyo ama la soo afjaro.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM