Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Image

Dhuusamareeb – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka bilaabay wadahadallo hordhac ah oo uu la leeyahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kuwaas oo salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Safarka Mahad Salaad ayaa loo arkaa mid gogol xaar u ah booqasho muhiim ah oo la filayo inuu halkaas ku tago Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, si loo xalliyo isfaham darrada sii xoogeysanaysa ee ka dhalatay arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadeed ee Galmudug.

Ilo ku dhow dhanka wada-hadallada ayaa sheegaya in diiradda ugu weyn ee kulammada lagu saarayo muranka ka taagan ka qaybgalka Madaxweyne Qoorqoor ee tartanka siyaasadeed, gaar ahaan xisbiga JSP, iyo suurtagalnimada uu ku geli karo xisbi kale haddii aan la aqbalin shuruudaha uu doonayo.

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed, taas oo Villa Soomaaliya ay u aragto arrin saameyn ku yeelan karta qorshaha doorasho ee Federaalka ee Galmudug.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu doonayo in lagu mideeyo mowqifka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Galmudug, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafku uu saameyn ku yeesho geeddi-socodka doorashooyinka soo socda.

Wadahadallada ka socda Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay kuwo xasaasi ah, isla markaana go’aamin kara jihada xiriirka labada dhinac ee xilligan kala guurka siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM