Xiisada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo soo cusboonaaneysa

Image
Taliska booliska maamul goboleedkan ayaa digniin kasoo saarey dhaqdhaqaaq ciidan oo kooxdu bilowdey.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa Isniinta maanta ah wuxuu soo saarey war-saxaafadeedka si toos ah ugu socda hogaanka ugu sareeya ee kooxda Ahlusunna.

Bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa ku booriyey Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir "in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan degaanka Huurshe".

Saraakiisha Ciidamada ayuu faray in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan "oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi," iyadoo qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay in gacan siinin abaabulkaasi.

Horaantii bishan ayay ahayd markii hogaanka Ahlu-Sunna uu dib ugu soo laabtey degaanada Galmudug kadib bilooyin ay dibad-joog ahaa markii looga awood-roonaadey loolanka siyaasada.

Dhanka kale, warka qoraalka ah ayaa ku tartarsiiyey bulshadda ku dagaalameysa degaanka Xananbuure in ay colaadaasi sida ugu dhaqsiyaha badan ugu badalaan nabad iyo wada xaajood.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhawaqa taliska booliska oo kasoo baxay dhanka Ahlu Sunna. Isku-dayo xiriir oo Garowe Online sameeyay ayaa kusoo idlaadey natiijo la'aan.

Dhawaqa taliska booliska ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen hadalo ku saabsan in kooxda hubeysan ay suurtagal tahay in ay sameyso isku-day ay awooda kusoo ceshaneyso.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM