Xiisada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo soo cusboonaaneysa

Image
Taliska booliska maamul goboleedkan ayaa digniin kasoo saarey dhaqdhaqaaq ciidan oo kooxdu bilowdey.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa Isniinta maanta ah wuxuu soo saarey war-saxaafadeedka si toos ah ugu socda hogaanka ugu sareeya ee kooxda Ahlusunna.

Bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa ku booriyey Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir "in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan degaanka Huurshe".

Saraakiisha Ciidamada ayuu faray in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan "oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi," iyadoo qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay in gacan siinin abaabulkaasi.

Horaantii bishan ayay ahayd markii hogaanka Ahlu-Sunna uu dib ugu soo laabtey degaanada Galmudug kadib bilooyin ay dibad-joog ahaa markii looga awood-roonaadey loolanka siyaasada.

Dhanka kale, warka qoraalka ah ayaa ku tartarsiiyey bulshadda ku dagaalameysa degaanka Xananbuure in ay colaadaasi sida ugu dhaqsiyaha badan ugu badalaan nabad iyo wada xaajood.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhawaqa taliska booliska oo kasoo baxay dhanka Ahlu Sunna. Isku-dayo xiriir oo Garowe Online sameeyay ayaa kusoo idlaadey natiijo la'aan.

Dhawaqa taliska booliska ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen hadalo ku saabsan in kooxda hubeysan ay suurtagal tahay in ay sameyso isku-day ay awooda kusoo ceshaneyso.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM