Xiisada Soomaaliya iyo Kenya oo lasoo farageliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa faragelisay xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya waxayna u kala dab-qaadeysaa labada dal, sidda uu xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibada xukuumada Muqdisho.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa hadda socdaal ku jooga Mareykanka, wuxuuna la kulmay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Muqdisho isaga oo kala hadlay qadiyaddan.

Magaaladda New York ayuu ka dhawaajiyey in uu kula balansan yahay xubno ka tirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, Antonio Guterres.

Wadahadaladda ayaa la rajeynayaan in ay diiradda ku saaraan qadiyado dhowr ah oo ay kamid tahay cilaaqaadka xumaadey ee Muqdisho iyo Nairobi iyo sidii Soomaaliya ula jaan-qaadi lahayd maamulka cusub ee madaxweyne Joe Biden.

"Horay waan u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxaan aad uga xunahay in Kenya ay nagu waddo faragelin – ha noqoto arrimaheena gudaha iyo xuduudaheena oo ay kusoo galaan ogolaanshiyo la'aan," ayuu xusay.

Xiriirka ay dowladda federaalka u jartay Kenya ayuu tibaaxay "in ay Soomaaliya ka faa'iidey garowshiyo in ay doodeeda dhageystaan dowlado badan".

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay dhamaadkii 2020-kii, waxayna u cusksatay "ku xadgudubka madax-banaanida waddanka si joogto ah".

Bixitaanka ciidamada Mareykanka

Mareykanka ayaa December, 2020 wuxuu ku dhawaaqay in uu la baxayo askarta ka joogta Soomaaliya. Go'aankan wuxuu dhaqa-galayaa Janaayo, 2021. Ciidamada Ameerikaanka waxaa loo bedelayaa wadamadda Jabuuti iyo Kenya.

Sidda laga soo xigtay wasiir Maxamuud, bixitaanka askarta Mareykanka ma ahan mid kama dambeys ah, dowladda Soomaaliyana walaac kama qabto.

"Horta ciidanka baxaya ee Mareykanka ee laga hadlo waa 700 todobadaas boqolna shaqooyinka ugu badan ee ay wadeen waxaa kamid ah lawada shaqeynta ciidamadda Mareykanka noo tababareen oo wadashaqeynta iyo howlgalada wada lahaayeen. Bixitaankooda markaa ma noqon doono mid ay sidaas ku maqnaadaan laakiin waa mid ay gobolka iyo dalalka deriska nala ah ay ka howlgeli doonan; annaga lix bilood kadib ayay shaqadooda kusoo laaban doonan," ayuu ka shanqariyey intii uu socday wareysiga laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Wuxuu kusoo xiray: "Sikastaba ha noqotee, sidda la sheegay waa siyaasad uu qaatay maamulkii madaxweyne Trump in ciidamadda la saaro".

Dowladda Soomaaliya ayuu ka dhawaajiyey in ay dooneyso in loo qalabeeyo loona tayeeyo ciidamadda xoogga waddanka.

Askarta Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya ayaa fuliya howlo ay kamid yihiin tababarida dhigooda waddaniga ah iyo qaadida howlgalo dhanka cirka kana dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM