Xildhibaan Fiqi iyo Cali Xaaji oo ku qabiil hadlay Baraha Bulshada

Image

MUQDISHO, Somaliya - Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Somaliya, inay ka dambayso Xiisadaha Siyaasadeed ee jirta Galmudug.

Fiqi ayaa xusay in Galmudug ay iska difaaci doonto duulaan uu sheegay inay soo qaadey Villa Somalia, isagoo xasuusiyey Madaxweyne Farmaajo in reer Galmudug ay yihiin kuwii dumiyay dowladdii Dhexe ee dalka, ee uu Madaxweynaha ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu ku faraxsan yahay dhibaatada ka taagan Galmudug, islamarkaana dhaqaalaha dowladda u isticmaalayso burburinta maamulka Galmudug.

Wuxuu kaloo sheegay in Madaxweynaha markay kala hadleen dhibaatada ka taagan Galmudug, uu ugu jawaabey inuu kasoo tashanayo, balse aysan jawaan ka helin, taasina ay muujinayso sida uu sheegay inuu ku faraxsan yahay waxa ka socdo Cadaado.

Fiqi ayaa eedeyntiisa ka dhanka ah dowladda u cuskadey saddex qodob oo kala ah;

In Wasiiro katirsan Xukuumadda ay si cad ay uga shaqeynayaan khilaafka taagan, iyagoo taageeraya Murashaxiin gaar ah, sidoo kalena in ka badan Hal Milyan oo Doolar u diray Cadaado, taasoo lagu laaluushayo Xildhibaanada.

In Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ay si dhaqso ah kusoo saartey Warqada ay ku taageertay go'aanka Xildhibaano ku kulmay Hotel ku yaalla Cadaado, oo sheegay inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

In Madaxweynaha Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre aysan weli wax faragalin ah sameyn khilaafka Galmudug oo ay kasoo jeedan deegaan ahaan, islamarkaana u muuqdaan kuwa aan mas'uul ka ahayn dalka.

Mar wax laga waydiiyay sababta dhibaatada u gaar yeelay Galmudug, ayuu ku jawaabey Fiqi in deegaanadaasi laga heli karo shaqsiyaad calooshood u shaqeystiyaal ah, oo carqaladeeya maamulkooda.

Hadalka Fiqi ayaa  dad badan u arkeen mid dib u soo xusuusinaya shacabka Somaliyeed xanuunkii dagaalka sokeeye ee lasoo dhaafey iyadoo uu  Dowlada Madaxweyne Farmaajo ku ahaa mucaarad tan iyo intii ay xubno ka tirsan xisbigiisa Daljir iska dhexwaayeen dhismaha xukuumada.

Dhinaca kale Cali Xaaji Warsame oo aan wax xill ah ka hayn dowlada Federalka Somaliya ayaa hadal uu ku qorey bartiisa Twitter u jawaabey  Xildhibaan Fiqi isaga oo ku timaamey kalmadihiisa kuwa mooryaanimo ah.

Xildhibaan Fiqi iyo Cali Xaaji ayaa kasoo wada jeeda gobolka Mudug gaar ahaan magalaada Galkacayo halkaasoo beelaha ku nool colaad ka dhxeysay mudooyinkaan dambe waxayna u baahan yihiin dad ka shaqeeya sidii la isugu soo dhoweyn lahaa. 

Cali Xaaji Warsame  oo horey ugu tartamey xilka madaxweynaha Puntland, noqdey Wasiir ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas balse xilka laga qaadey, u tartamey madaxweyne Somaliya, Wasiir ka raadiyey xukuumada Ra’isal wasaare Khayre ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey aad u isticmaalyey baraha bulshada isagoo kaga hadlayey arimaha siyaasada Puntland iyo Federaalka.

GAROWE  ONLINE

Related Articles

Miisaaniyadda maamul goboleedka Galmudug ee 2025 oo la meelmariyay

Shirkan oo ka dhacay Dhuusomareeb ayaa waxaa guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariya.

  • Soomaliya

    07-11-2024

  • 02:36PM

Sahanka Miisaniyadda Qaranka ee 2023-ka oo laga daahfuray Muqdisho

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Sanatarro, Xildhibaanno, ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

  • Soomaliya

    07-11-2024

  • 01:41PM