Xildhibaan ka badbaadey Qarax ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin + Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaan kamida Gollaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa ka badbaadey Qarax loogu xiray Gaarigiisa, kaasi oo ka dhacay maanta barqadii magaaladda Muqdisho.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa mid culus, oo ka dhacay nawaaxiga dhismaha Wasaaradda Hidaha Sare iyo Tacliinka Somalia, oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zoobe.

Gaariga qarxay waxaa la sheegay inuu leeyahay Xildhibaan Cali Cartan Bidaar oo Baarlamanka Koonfur Galbeed katirsan, kaasoo xilliga qaraxa uusan la socon, balse waxaa ku geeriyoodey darawalkiisa, oo meydkiisa goobta laga soo qaadey.

Labo ruux oo shacab ah, oo ka agdhawaa goobta ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Lama oga cida ka dambeysa weerarka lagu dili lahaa Xildhibaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM