Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka oo Boorame lagu xiray

Image

July 2, 2015 (GO)- Booliska Somaliland ayaa magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ku xiray xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka la xiray oo lagu magacaabo Axmed Xuseen Xasan (Sitiin), waxaa xariggiisa warbaahinta u xaqiiiyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal- Maxamuud Cali Saleebaan (Rabaax).

Rabaax ayaa sheegay in sababta ka dambeysa xarigga xildhibaankaasi tahay maadaama uu sifo aan sharci ahayn kusoo galay Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"adeer Somalia iyo Somaliland waa labo dal oo kala gaar ah...xildhibaanku intuusan soo gelin Somaliland waxay ahayd inuu dowladda cafis soo weydiisto" ayuu yiri.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa digniin u direy mas'uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Federaalka ee kasoo jeeda Somalialand, isagoo ku tilmaamay kuwo dhuuni raac ah kuna hanjabay in Somaliland gacan bir ah ku qaban doonto.

Waa markii labaad ee intii lagu guda jirey sanadkan 2015 Xildhibaan Axmed Xuseen Xasan (Sitiin) lagu xiro magalada uu kasoo jeedo ee Boorame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM