Xildhibaan katirsanaa Gollaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan katirsanaa Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ku dishay galabnimadii maanta degmada Kaaraan, ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamada amaanka ay xireen goobta dilka kadib.

Xildhibaan Cismaan Cilmo Boqore ayaa ahaa ninka ugu da'da weyn ee Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeeya, waxaana uu kasoo mid ahaa Gollaha Shacabka tan iyo mudadii KMG, isagoo soo noqday gudoomiye ku xigeen Baarlamaan 2007.

Kooxda Al-Shabaab sheegatay mas'uuliyadda dilka Xildhibaanka.

Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo saaxibo dhaw ahaayeen Xildhibaan Boqore ayaa sheegay in marxuumka uu katirsanaa Xisbiga [UPD], oo uu hogaamiye Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Allah ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa meel sare ka gaarey ciidamada, isagoo noqday Gaashaanle Sare, waxaana uu ka qeyb-qaatey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiye 1964, kaasi oo lagu dhaawacay.

Madaxda sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Xildhibaanka, oo sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Difaaca ee Gollaha Shacabka, maadaama uu ahaa nin ciidanka kasoo shaqeeyay. 

Wiil uu dhalay Cismaan Cilmi Boqorre ayaa sidoo kale lagu dilay Muqdisho bishii November ee sanadkii 2005.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM