Xildhibaan ku baaqay in Farmaajo iyo Khayre is-casilaan [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Mudane kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay inay is-casilaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Xasan Cali Khayre maadama sida uu hadalka u dhigay ay ku fashilmeen hogaaminta dalka.

Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare, ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhi Barlamanka Soomaaliya Arbacadii shalay ahayd ku yeesheen Muqdisho, wuxuu ku dhaleeceeyay siyaasadda hogaanka ugu saraysa dowladda isagoo tilmaamay inay soo bandhigeen maamul jilicsan.

Dhaqane, wuxuu difaacay taliyaashii xilka laga qaaday ee Booliiska iyo Nabad Sugidda isagoo tilmaamay inay ahaayeen rag shaqadooda kasoo baxayay. Sidoo kale xildhibaankan ayaa aaminsan in mas'uul xil laga qaado aysan waxba ka badali doonin xaaladda waddanka.

Isagoo ka hadlayay amniga wuxuu xusay in madaxda dowladda Federaalka ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan, wuxuuna ku eedeeyay inay lacago ku bixinayaan bur-burinta maamul goboleedyada ka dhisan dalka.

Axmed Cismaan Dhaqane ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay shakhsi kasoo horjeeda nidaamka Federaalka sidoo kale ku xiran qol.

Mudanahan oo hadalkiisa ku koobay dhaleecaynta madaxda ugu saraysa dowladda ayaa carrabka ku dhuftay dalku uu ka dagi la'yahay Khayre iyo Farmaajo.

Eedayntan waxaa bar-bar socotay difaacis ay samaynayeen Xildhibaanda taageersan dowladda.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli madaxda DFS iyo maamul goboleedyadu shir uga socdo Muqdisho kaasoo looga hadlayo amniga, dagaalka Al Shabaab iyo xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira. Halkan ka Daawo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM