Madaxweynaha Galmudug oo Xilka laga qaadey [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa galabta xilkii ka qaadey Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kadib Khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay.

Kulanka ay isagu yimaadeen 55 Xildhibaan, oo ka dhacay magaalada Cadaado, ayaa xil ka qaadista loogu sameeyay Madaxweyne Xaaf, kadib markii laga soo gudbiyay Mooshin Kalsooni kala laabasho ah.

Inta uu socday Kulanka, 52 Mudane ayaa u codeeyay Mooshinka Xilka qaadista Xaaf, 2 ayaa diiday, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Xilka-qaadista Xaaf ayaa ka dambaysa Khilaaf xooggan, oo ka dhashay Taageeradii uu dhawaan u muujiyay Xulufada Sacuudiga, ee bishii June 5, xiriirka u jaray Qadar.

Cali Gacal Casir, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ma uusan Shir gudoomin Kulankii Maanta, balse waxa uu xaqiijiyay in Xilka qaadista ay sameeyeen Xildhibaanada kulmay, isagoo ka maqan.

Lama oga sharciyada go'aanka waxa ay noqon doonto, maadaama Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku jiro Xabsi Guri, sidoo kalena Madaxweyne kama uusan hadlin xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyay.

Madaxweyne Xaaf ayaa la doortey bartamihii bishii May, ee sanadkan, waxaan uu noqonayaa Madaxweynihii ugu mudada gaabnaa Madaxweyniyaashii soo maray Galmudug, oo la aas-aasay 2014.

Maamul goboleedyada dhawaan la aas-aasay ayaa la degay Khilaafaad xooggan oo Hay'addaha dowladaha u dhaxeeya, kuwaasi oo isku qabta arrimaha dhanka awoodda iyo Deeqaha caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM