Xildhibaan lagu dhaawacay qarax ka dhacay Muqdisho [Magaca]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex ruux oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka HirShabelle ayaa ku dhaawacmay qarax kale oo ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ah mid gaarigiisa loogu xiray mudanaha oo lagu magacaabo Salaad Sheekh Xuseen ayaa ka dhacay degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal shaci-dejiyaha ayaa loola cararay Isbitaal si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa dhcdooyinka noocaan ah dusha saarta.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya qarax is-miidaamin lagu beegsaday maanta dhismo ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada, Howlaha Guud iyo taliska Booliska gobolka Banaadir, halkaasoo dabley ay gudaha u gashay.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaan xili dhaawaca uu ka badan yahay 11 qof, kuwaasi oo ay ku jiraan shaqaalo ka tirsan wasaaradaha iyo taliska Booliska gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM