Xildhibaan lagu dhaawacay qarax ka dhacay Muqdisho [Magaca]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex ruux oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka HirShabelle ayaa ku dhaawacmay qarax kale oo ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ah mid gaarigiisa loogu xiray mudanaha oo lagu magacaabo Salaad Sheekh Xuseen ayaa ka dhacay degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal shaci-dejiyaha ayaa loola cararay Isbitaal si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa dhcdooyinka noocaan ah dusha saarta.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya qarax is-miidaamin lagu beegsaday maanta dhismo ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada, Howlaha Guud iyo taliska Booliska gobolka Banaadir, halkaasoo dabley ay gudaha u gashay.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaan xili dhaawaca uu ka badan yahay 11 qof, kuwaasi oo ay ku jiraan shaqaalo ka tirsan wasaaradaha iyo taliska Booliska gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM