Xildhibaan ku dhaawacay qarax ka dhacay Muqdisho xilli amniga laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Mursal Barrow, oo katirsan gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa kuu dhaawacay qarax caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjooge iyo Saraakiil katirsan booliska dowladda oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Xildhibaan Barrow uu dhaawac culus kasoo gaarey qaraxa oo ahaa mid loogu xiray gaarigiisa.

Gaariga oo ka yimid dhanka 15-May ayaa ku qarxay bar-koonatrool oo ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan xilliga habeenkii, oo ku taalla afaafka hore ee Tiyaatarka qaranka, oo ku dhaw Villa Somalia.

Xildhibaanka ayaa loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegeen in dhaawaca Barrow yahay mid kasoo gaarey qeybaha hoose ee jirkiisa, oo la sheegayo inuu lug ka go'ay.

Qaraxan gaarigiisa loogu xiray xildhibaan Maxamed Mursaal Maxamuud [Barrow] ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday darawalkiisii. 

Qaraxa Xildhibaanka lagu dhaawacay ayaa yimid xilli maalmo kahor uu Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa'id ku qabtey Muqdisho uu uga digay xubanaha Baarlamaanka inay feejignaadaan, isagoo sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid aan la isku halleyn karin.

Waare ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan si buuxda u maamulin Magaalada, islamarkaana damaanada qaadi karin amniga muwaadiniinta iyo Xildhibaanada Barlamaanka.

Al Shabaab ayuu sheegay in magaalada ay qeybo kamid ah maamusho, sidoo kalena ay awoodo inay meel kasta oo kamid ah ay weerar ama dil ka fuliso, iyadoo dhawaan labo qarax ka geysatay afaafka Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM