Xildhibaan lagu dhaawacay weerar ka dhacay Muqdisho

Image

May 23, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof oo midkood yahay xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmey weerar goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa rasas ku furey gaari ay wateen labo xildhibaan oo ka tirsan baarlammaanka kuwaasoo ka yimid dhanka xarunta baarlamaanka.

Dableyda ayaa gaari ku hor gooyeen gaariga xildhibaannadu la socdeen kadibna tacshiirad huwiyey.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir iyo dareewalkii gaariga, waxase ka badbaadey xildhiban Cabdalla Boss Axmed.

Dadka dhaawacmay oo sida lagu soo warramayo xaaladoodu fududahay waxaa loo qaaday isbitaalka Daarul Shifa.

Dableyda ayaa ku guuleysatey inay durbadiiba goobta ka baxsadaan.

Dhanka kale, weerar kale oo dhacay degmada Hodon ayaa lagu diley labo qof oo midkood ahaa sarkaal u shaqeynayey Dowladda Federaalka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM