Xildhibaan lagu dilay Baydhabo iyo dibadbaxyo rabshado wata oo socda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mid kamid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay maanta magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan tan iyo shalay dibadbaxyo rabshado wata, oo looga soo horjeedo xariga Mukhtaar Roobow.

Allah ha u naxariistee Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub Ibraahim (Cabdishakuur Buule), ayaa la sheegay inuu ku dhintay rasaas ay rideen Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay Baydhabo.

Cabdishakuur Buule oo ahaa gudoomiyaha gudiga amniga Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa toogtay Askari katirsan Booliska dowladda Federaalka xilli uu la socda dadweyne careysan oo dibadbax ka sameynayay magaalada.

Xildhibaanka waxay qaraabo dhaw ahaayeen Mukhtaar Roobow, oo shalay ay xireen ciidamada Itoobiya, ee ku sugan Baydhabo, kuwaaso usoo qaadey magaalada Muqdisho, kadibna u gacan geliyay hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya, ee NISA.

Xariga Roobow, oo kamid ahaa Musharaxiinta ugu cad-cad Koonfur Galbeed, sidoo kalena shacab badan ay taageersanaayeen ayaa waxa uu ku xiran yahay hadda xabsi NISA ku leedahay Muqdisho, iyadoo Wasaaradda Amniga DF ku eedeysay inuu ciidamo iyo hub ku aruursanayay Baydhabo, islamarkaana khal-khal gelinayay amniga.

Roobow oo dowladda Federaalka isku soo dhiiabay August 2017 ayaa waxa uu isku soo sharaxay Doorashada Koonfur Galbeed isagoo ogolaansho ka helay guddiga doorashooyinka, balse Xukuumadda Soomaaliya kahor istaagtay.

Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal ayaa cambaareeyay falka lagu soo xiray Roobow, oo ay ku tilmaameen afduub lagula kacay Musharax shacabkiisa taageersan yihiin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baydhabo u dirtay labo Musharax oo hub iyo ciidan wata kuwaasoo aan taageero badan ka heysan shacabka Koonfur Galbeed.

Tan iyo shalay rabshadaha iyo dagaallo goos goos ah oo dhacay waxaa ku dhintay ugu 11 qof, oo ay ku jiraan Askari Itoobiyaan ah, waxaana wadooyinka wali ku banaanbaxaya shacab derbiyada ku dhejinaya sawirada Roobow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM