Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax culus oo loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasoo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ku geeriyooday qaraxa oo Gaarigiisa kaasi oo ku qarxay nawaaxiga Makhaayada London Gate, oo ku dhow Villa Somalia.

Labo qof oo midi uu yahay shaqaale katirsan Makhyaadda, oo ah mid ay si joogto ah wax yimaadaan saraakiisha NISA iyo Xildhibaanno ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee dagaalka kula jirta dowlada uu caalamku taageero ayaa inta badan falalka noocaan ah ka fulisa magaalo madaxda dalka ee Muqdish.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xili uu maanlintii shalay Muqdisho booqasho labo maalmood ah ku yimid Caasimadda, Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar, kaasoo la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda.

Muqdisho ayaa safka hore uga jirta magaalooyinka ugu halista badan caalamka xili dowladda haatan jirta ay ku fashilantay inay xaqiijiso amniga, oo kamid ah dhaliilaha ugu waawayn oo ay wajaheyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM