Xildhibaan lagu diley Muqdisho, Ra'isal wasaaraha oo tacsi direy

Image

July 24,2015 (GO)- Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa galabta lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaliya.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdulaahi Xuseen Maxamud ayaa wararku sheegayan inuu geeriyooday kadib markii dabley hubeysan toogteen islamarkaana ka baxsadeen goobta. 

Cabdulahi Xuseen Maxamud oo  dhowaan lagu bedelay aabihii Xuseen Baantuu kadib markii uu u geeryoodey xanuun bishii April ee sanadkan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya ciidamada ammaanka mar danbe meesha soo gaareen kuwasoo bilaabay howl galo lagu raadinayo kooxda dilka gaysatay.

Dhinaca kale Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid ayaa tacsi u direy qoyska marxuum Saciid Cali Saalax oo maanta dabley hubeysan ku dishey xaafada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaan alle uga baryeynaa Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska oo saakay la dilay in uu Eebe naxariistiisa Janno ka waraabiyo, marxuum Siciid wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, mudana kasoo shaqaynayay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Dilka Xildhibaanka iyo sarkaalka ka tirsan xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa kusoo beegmaya asbuucyo kadib markii ay hakad galeen weerarada ururka Al-shabaab u gaysanayeen saraakiisha dowlada iyo goobaha la isugu yimaado magalaada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM