Xildhibaan Odowaa oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo wuxuu habeenkii afaraad ku hoyday Villa Soomaaliya isaga oo aan sharciyad u haysan hogaaminta dalka, sidda uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Wasiirkii hore ee arrimaha dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiista maanta ah shir jaraa'id ku qabtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa ku waaniyey Farmaajo in uu u hogaan-samo dastuurka dalka.

Dastuurka ku meelgaarka ah ayaa xeerinaya in madaxweynaha marka uu afarta sano dhameysto uu xilka ku wareejinayo afhayeenka Golaha Shacabka oo dalka sii hogaaminaya inta hogaan cusub laga dooranayo.

"Waxaan rabnaa in aan u sheegno madaxweynihii xilkiisa dhamaadey oo aad moodo in uu wali ku socdo ciyaarihii afartii sano ee lasoo dhaafay ee ah in uu ku dhawaaqay shir Garowe ka dhacaya isaga oo aan ka heshiinin saamileyda. Madaxweynuhu waqtigiisa waa dhamaadey cid hadda kaligiis talada dalka u deyneysa walaahi sidaas ayaan iri hala yeelo ma jirto," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan ka codsaneynaa oo aan u sheegeynaa waddankan duruufaha uu ku sugan yahay wuu og-yahay cidna kaligeed inta ay meel iska fadhiisato walaahi madaxtooyadda ayaan dhex-fadhinayaa".

"Madaxtooyadda ma ahan guri qof iska leeyahay waa meel aqbalaad lagu joogo. Waa in uu aqbalaada dadka Soomaaliyeed raadsado laga wadahadalo iyadda oo la isla ogol-yahayna uu raadsado," ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, sharci-dejiyaha ka tirsan Aqalka Hoose baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu caqabad ku yahay in dalka ka dhacdo doorasho daahfuran.

Mudanaha ayaa su'aal geliyey sheegashada Farmaajo ee ku aadan in uu tanaasul ka sameeyay qodobada la isku hayo ee kala ah; guddiyada, xulista wakiilada Somaliland iyo ciidamadda dowladda ay geysay gobolka Gedo.

"Madaxweynaha isaga ayaa afkiisa ka sheegay in uu fashilmay heshiiskii 17-kii September. Baarlamaanka hortiisa ayuu ka aflagaadeeyay madaxda maamulada. Wuxuu sheegtay in uu tanaasulay balse wuxuu ka tanaasuli waayey mayaarka Garbahaarey oo haatan doorashadii dalka oo dhan caqabad ku ah," ayuu hoosta ka xariiqay mudanaha.

Qadiyada gobolka Gedo ayaa ah tan ugu culus ee khilaafka uu ka taagan doorashooyinka Soomaaliya 2020-21, waxaana ugu wacan Villa Soomaaliya oo quudareyneysa in ay hesho Xildhibaanadda degaanadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM

Axmed Madobe: Xamase Cabdi Barre waa Shaqaale aan lahayn go'aan qaadasho

Markii uu ka hadlayay dagaalladii dhawaan ka dhacay Raskamboni ee u dhexeeyay ciidanka Federalka iyo Ciidamada Jubaland, Axmed Madobe.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 11:59AM