Xildhibaan Shabaab lagu eedeeyay oo Dacwad ka gudbiyay Goodax

Image
 

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir kamid ah Xukuumadda Khayre ayaa laga gudbiyay dacawad kadib markii Xildhibaano kamida Gollaha Shacabka uu ku eedeeyay inay la shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad oo kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inuu qabsaday qareenno Maxkamadda u gudbiya dacwad uu kusoo oogayo Wasiirka Waxbarashada, C/llaahi Goodax Barre.
 
Goodax ayaa eedeyntan culus jeediyay xilli Warbaahinta kula hadlayay xarunt Gollaha Shacabka shalay markii kulankii amniga uu fashil kusoo dhamaadey, kadib markii ay Xildhibaanada isku khilaafeen in saxaafadda dibadda loo saaro iyo inay goobjoog ahaadaan.
 
Xildhibaan Yuusuf ayaa xusay in Guddiga anshaxa sidoo kale u gudbiyeen dacwadooda, isagoo intaasi ku daray inaysan uga hari doonin Goodax illaa xasaanada Xildhibaanimo laga qaado, oo Maxkamad laga soo taago.

 
Xildhibaan Yuusuf Xuseen
 
Yuusuf ayaa hadalka Goodax ku tilmaamay mid gef iyo meel ka dhac ah, in iyagoo Xildhibaanno qaranka u adeegaya lagu tilmaamo inay Al-Shabaab la shaqeeyaan, taasina ay sharciga la tiigsan doonaan.
 
Goodax ayaa si shaqsi ah farta ugu fiiqay Xildhibaan Yuusuf Xuseen, oo yiri: Xildhibaanada fowdada sameeyay waa Shabaab, kan sii socda [Yuusuf Xuseen] ayaana kamid ah."
 
Hadal heynta badan ayuu hadalka Goodax ka abuuray baraha bulshada, iyagoo shacabka siyaabo kala duwan uga falceliyay eedeynta loo jeediyay Xildhibaanada katirsan Gollaha Shacabka.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM