Shuuriye: anagu waxaan rabnaa inaan la hadallo cidaan eedaynay"

Image

09 September, 2015(GO)- Xildhibaan Maxamed Ismacil Shuriye oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal lagu xalliyo arrimaha lagu kala aragti duawanyahay ee la xiriira mooshinka is khilaafsan ee loo gudbiyay guddoonka Barlamanka

Shuuriye oo gudoomiye looga dhigay guddi ay iska soo xuleen xildhibanada wada moshinka ka dhanka ah Xasan Sheekh ayaa sheegay kulan ka dhacay Muqdisho inay isla garteen xalka inuu yahay wada hadal maadaama dalka uu marayo xaalad adag.

Waxa uu sheegay in badankood isku waafaqeen arintaasi oo micnaheedu ahayn in la laalay gabi ahaanba mooshinka balse doonayaan in laga wada hadlo waxyaabaha lagu soo eedeeyay Madaxweynaha iyo waxa lagu kala aragti duwanyahay.

Arrintan ayuu xildhibaan Shuuriye sheegay inay ka wada hadlayaan Madaxweynaha ama cidda uu soo wakiisho.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku baaqey in la wada hadlo sida uu tilmaamey xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye, waxayna ku soo aadeysaa xilli guddoonka Barlamanka Somalia loo gudbiyay labo mooshin oo midna lagu taageersanyahay madaxweynaha Somalia iyo mid lagu dhaliilayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM