Xildhibaan Xoosh "waan ka daalney inaan saxno Madaxweynaha"

Image

August 13, 2015 (GO)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah mudaneyaasha soo gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muddo dheer ku hawlanaayeen diyaarinta mooshinka iyo weliba soo gudbintiisa.

Xoosh oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in mooshinkaasi guuleysan doono.

"Mooshinkan wax badan ayaa laga soo shaqeynayay...waxaan isla garanay inaan la sixi karin Madaxtooyada waxa ka socda, muddo saddex sano isku daynay, waxaa isla garanay in la keeno mooshin lagu xayuubiyo awooda Madaxweynaha" ayuu yiri.

Xildhibaannada mooshinkan ku saxiixan oo aan ilaa hadda la ogeyn tiradooda waxay Madaxweynaha ku eedeeyeen musuq maasuq, xil gudasho la'aan iyo weliba in uu iska dhega tiray talo soo jeedinta baarlammaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

"Cadeymo badan ayaan u heynaa in Madaxweynuhu ku xadgudbay sida dastuurku qabo ama xuquuqda aas aasiga ah ee bani’aadanimo, inay ku dhaqaaqeen musuq maasuq in fara gelin lagu sameeyo hey’adaha dastuurka ee loo baahnaa inay ka madax banaanaadaan, sida xukuumadda iyo garsoorka...awooddii fulinta ayey Madaxtooyada qaadatey" Xoosh ayaa mar kale sidaa yiri isgoo ka gaabsaday inuu carrabaabo tirada xildhibaannada mooshinka ku saxiixan.

Sida ku cad xeer hoosaadka baarlammaanka, waxaa mooshin keeni kara saddex meelood labo meeel oo kamid ah xildhibaannada baarlammaanka.

Mooshinkan ayaa kusoo aadaya xilli ay muddo koobani ka harsan tahay muddo-xileedka Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mana ahan markii ugu horreysey ee mooshin caynkan oo kale ah loo soo gudbiyo guddoonka baarlammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM