Xildhibaan Yuusuf Dirir oo u gaariyoodey dhaawacii soo gaarey

Image

May 23, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar galabta magaalada Muqdisho lagula beegsadey labo xildhibaan oo ka tirsan baarlammaanka Somaaliya.

Dabley hubeysan oo watey gaari noociisu yahay Ambulance ayaa ku hor gooyey gaariga labada xildhibaan la socdeen, iyagoo intaas kadibna tacshiirad huwiyey.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi, Xildhibaan Cabdullaahi Boos iyo dareewalkii gaariga.

Xildhibaan Yuusuf Dirir ayaa dhaawacii soo gaarey dartiis markii dambe ugu geeriyoodey Isbitaalka Daarul Shifa.

Geerida Xildhibaan Dirir waxaa ka tacsiyeeyey Guddoomiyaha Baarlammanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoo Ilaah uga baryey inuu naxariisto eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Saraakiil kale oo weerar qorsheysan lagu diley:

Goor hore oo maanta ahayd waxaa sidan oo kale weerar qorsheysan oo gaari loo adeegsaday lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaadiidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dabley hubeysan oo gaari watey ayaa raasaas ku furey labada mas'uul xilli ay marayeen degmada Wadajir.

Mas'uuliyadda dilalka maanta Muqdisho ka dhacay ilaa iyo hadda cidna ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa caan ku ah weerarrada qorsheysan ee caynkan oo kale ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM