Xildhibaan Yuusuf Dirir oo u gaariyoodey dhaawacii soo gaarey

Image

May 23, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar galabta magaalada Muqdisho lagula beegsadey labo xildhibaan oo ka tirsan baarlammaanka Somaaliya.

Dabley hubeysan oo watey gaari noociisu yahay Ambulance ayaa ku hor gooyey gaariga labada xildhibaan la socdeen, iyagoo intaas kadibna tacshiirad huwiyey.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi, Xildhibaan Cabdullaahi Boos iyo dareewalkii gaariga.

Xildhibaan Yuusuf Dirir ayaa dhaawacii soo gaarey dartiis markii dambe ugu geeriyoodey Isbitaalka Daarul Shifa.

Geerida Xildhibaan Dirir waxaa ka tacsiyeeyey Guddoomiyaha Baarlammanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoo Ilaah uga baryey inuu naxariisto eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Saraakiil kale oo weerar qorsheysan lagu diley:

Goor hore oo maanta ahayd waxaa sidan oo kale weerar qorsheysan oo gaari loo adeegsaday lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaadiidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dabley hubeysan oo gaari watey ayaa raasaas ku furey labada mas'uul xilli ay marayeen degmada Wadajir.

Mas'uuliyadda dilalka maanta Muqdisho ka dhacay ilaa iyo hadda cidna ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa caan ku ah weerarrada qorsheysan ee caynkan oo kale ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM