​Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Gudoomiye KMG ah doortay

Image

JOWHAR, Somalia- Xildhibaanada maamulka dhisamihiisu socdo ee Hir-Shabeelle, ayaa Maanta oo Isniin ah waxay Kulankoodii ugu horeeyay ku yeesheen magaalada Jowhar, kaasi oo ay ku doorteen Gudoomiye KMG ah.

Maxamed Siyaad Barkhadle, oo kamid ah Xildhibaanada ayaa loo doortay in uu si KMG ah u noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle, inta ay ka dhacayso Doorashada Gudoomiyaha rasmiga ah oo la filayo inay dhacdo maalinta Arbacada ah ee 12-ka Bishan October.

Xildhibaano gaaraya 73 Mudane ayaa la wareegay maanta howshii Ergada ee dhisamaha maamulkaasi, oo heer-gabo-gabo ah maraysa, lana filayo in Madaxweynihiisa la doorto Sabtida soo socoto 15-ka October, 2016.

Xildhibaanada Hir-Shabeelle, ayaa waxaa la dhaariyay Shalay, iyadoo ay wali dhiman yihiin xubno gaaraya 16, oo aan wali beelahooda soo gudbin sababo la xiriira tabashooyin oo aan laga qancin.

Maamulkan, ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb noqdo maamulada Federaalka, ee go'aanka ka gaaraya Doorashada 30-ka October ka dhacayso dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM