​Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Gudoomiye KMG ah doortay

Image

JOWHAR, Somalia- Xildhibaanada maamulka dhisamihiisu socdo ee Hir-Shabeelle, ayaa Maanta oo Isniin ah waxay Kulankoodii ugu horeeyay ku yeesheen magaalada Jowhar, kaasi oo ay ku doorteen Gudoomiye KMG ah.

Maxamed Siyaad Barkhadle, oo kamid ah Xildhibaanada ayaa loo doortay in uu si KMG ah u noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle, inta ay ka dhacayso Doorashada Gudoomiyaha rasmiga ah oo la filayo inay dhacdo maalinta Arbacada ah ee 12-ka Bishan October.

Xildhibaano gaaraya 73 Mudane ayaa la wareegay maanta howshii Ergada ee dhisamaha maamulkaasi, oo heer-gabo-gabo ah maraysa, lana filayo in Madaxweynihiisa la doorto Sabtida soo socoto 15-ka October, 2016.

Xildhibaanada Hir-Shabeelle, ayaa waxaa la dhaariyay Shalay, iyadoo ay wali dhiman yihiin xubno gaaraya 16, oo aan wali beelahooda soo gudbin sababo la xiriira tabashooyin oo aan laga qancin.

Maamulkan, ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb noqdo maamulada Federaalka, ee go'aanka ka gaaraya Doorashada 30-ka October ka dhacayso dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM