​Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa Galabta oo Axad ah lagu dhaariyay Magaalada Jowhar Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee uu yeelanayo Maamulka Hir-Shabeelle, oo dhismihiisu wali socdo.

Xaflad ka dhacday Hoolka xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, oo uu ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee waqtigiisu dhamaaday Cabdiraxmaan Odawaa ayaa lagu dhaariyay 73 Mudane.

Xildhibaanada la dhaariyay waxaa saddex kamid ah yihiin Haween, halka wali aan la dhaarin 16 mudane, oo Maanta ka maqnaa Madasha dhaarta.

Tirada Guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi, waxaa la sheegayaa inuuu noqon doono 89 Mudane.

Wasiir Odawaa oo xafladda dhaarta ka hadlay, ayaa ka sheegay, in wixii Berri ah ka danbeeya Howsha inta dhiman kala wareegi doonaan Xildhibaanada Cusub oo la filayo in maalmaha soo aadan doortaan Gudoomyahooda.

Waxaa wali jira Beelo aan la qancin, oo ka baxay Shirka Jowhar, kuwaasi oo diidan Tirada Xildhibaanada la siiyay iyo in Jowhar Caasimada Hir-Shabeelle laga dhigay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM