​Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo dooranaya Guddoonkooda iyo Jawaari oo jooga Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Wararka Warsidaha GO ka helayo magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle, ay Maanta oo khamiis ah dooranayaan Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ee Waqtigiisu dhamaaday Maxameed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wafdi la socda ayaa gaarey degmada Jowhar, si ay uga qeybgalaan doorashada Gudoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Wararka waxay tibaaxayaan in Musharaxiinta u taagan qabashada xilalka Gudoomiyaha iyo labada ku xigeen,  xalay u jeediyeen Xildhibaanada Khudbado ku aadan waxqabadkooda, hadii la doorto.

Musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa kala ah Sheekh Cusmaan Barre,  Cali Cabdulle iyo Abuukar Xasan.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya Cabdi Xuseen Geedi, halka ku xigeenka 2-aad ay u taagan tahay Canab Axmed Ciise, oo noqonaysa Gabadha kaliya ee Gudoonka sare isku soo sharaxday.

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaa xigi doonto mida Madaxweyne oo lagu wado inay dhacdo 15-ka Bishan October, oo ku beegan sabtida soo socoto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM