​Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo dooranaya Guddoonkooda iyo Jawaari oo jooga Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Wararka Warsidaha GO ka helayo magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle, ay Maanta oo khamiis ah dooranayaan Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ee Waqtigiisu dhamaaday Maxameed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wafdi la socda ayaa gaarey degmada Jowhar, si ay uga qeybgalaan doorashada Gudoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Wararka waxay tibaaxayaan in Musharaxiinta u taagan qabashada xilalka Gudoomiyaha iyo labada ku xigeen,  xalay u jeediyeen Xildhibaanada Khudbado ku aadan waxqabadkooda, hadii la doorto.

Musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa kala ah Sheekh Cusmaan Barre,  Cali Cabdulle iyo Abuukar Xasan.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya Cabdi Xuseen Geedi, halka ku xigeenka 2-aad ay u taagan tahay Canab Axmed Ciise, oo noqonaysa Gabadha kaliya ee Gudoonka sare isku soo sharaxday.

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaa xigi doonto mida Madaxweyne oo lagu wado inay dhacdo 15-ka Bishan October, oo ku beegan sabtida soo socoto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM