Xildhibaanada oo markale Maanta ka shiraya Xilheynta Wasiir Xoosh

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa maanta oo sabti ah markale ka doodaya Xilheynta Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo lagu haysto hadallo uu kusoo qoray Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook iyoTwitter-ka.

Mooshin u yeerid ah ayay Xildhibaanada ka gudbiyeen Wasiir Xoosh Jabriil, ka dib markii boggiisa Twitterka uu ku soo qoray, hadal muujinaayay inuu sharcidaro yahay go’aan uu Barlamanka ku laaley amarkii Maxkamada sare, ee ahaa in dib loogu laabto kuraasta 8 Xildhibaan.

Xoosh oo kusoo laabtey Muqdishu Todobaadkii tagey, ayaa la fillayaa inuu maanta hortago Gollaha Shacabka oo Kiiskiisa maanta horyaallo, si uu uga jawaabo su’aalo ay waydiin doonaan Xildhibaanada.

Waa markii saddexaad oo Barlamanka Kulan ka yeesho Su'aallo waydiinta Wasiirka Dastuurka, iyadoo Kulankii ugu dambeeyay Arbacadii lasoo dhaafay uu u baaqday Kooram la'aan kadib markii Xildhibaanada soo xaadi waayeen.

Madaxda sare ee dalka oo Madaxweyne Farmaajo kamid yahay, ayaa isku dayay inay soo kala dhexgalaan Khilaafka Wasiirka iyo Xildhibaanada, balse ay ku guul-dareesteen markii Mudaniyaasha Barlamanka ay ka biyo diideen dhex-dhexaadinta, waxayna ku adkaysteen go'aankooda.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay markii uu Wasiirka Barlamanka hor-tagi waayay,  kana biyo diiday u yeerida Xildhibaanada, isagoo horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare bishii May.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM