Xildhibaanada oo markale Maanta ka shiraya Xilheynta Wasiir Xoosh

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa maanta oo sabti ah markale ka doodaya Xilheynta Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo lagu haysto hadallo uu kusoo qoray Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook iyoTwitter-ka.

Mooshin u yeerid ah ayay Xildhibaanada ka gudbiyeen Wasiir Xoosh Jabriil, ka dib markii boggiisa Twitterka uu ku soo qoray, hadal muujinaayay inuu sharcidaro yahay go’aan uu Barlamanka ku laaley amarkii Maxkamada sare, ee ahaa in dib loogu laabto kuraasta 8 Xildhibaan.

Xoosh oo kusoo laabtey Muqdishu Todobaadkii tagey, ayaa la fillayaa inuu maanta hortago Gollaha Shacabka oo Kiiskiisa maanta horyaallo, si uu uga jawaabo su’aalo ay waydiin doonaan Xildhibaanada.

Waa markii saddexaad oo Barlamanka Kulan ka yeesho Su'aallo waydiinta Wasiirka Dastuurka, iyadoo Kulankii ugu dambeeyay Arbacadii lasoo dhaafay uu u baaqday Kooram la'aan kadib markii Xildhibaanada soo xaadi waayeen.

Madaxda sare ee dalka oo Madaxweyne Farmaajo kamid yahay, ayaa isku dayay inay soo kala dhexgalaan Khilaafka Wasiirka iyo Xildhibaanada, balse ay ku guul-dareesteen markii Mudaniyaasha Barlamanka ay ka biyo diideen dhex-dhexaadinta, waxayna ku adkaysteen go'aankooda.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay markii uu Wasiirka Barlamanka hor-tagi waayay,  kana biyo diiday u yeerida Xildhibaanada, isagoo horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare bishii May.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM