Xildhibaanada oo Su'aallo adag ka waydiiyay Beyle oo miisaaniyada 2019

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, kaasi oo uu hortegay wasiirka Maaliyada dalka, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Kulanka oo ahaa kii 31-aad ayaa waxaa soo xaadiray 152 Xildhibaan, iyadda oo uu shir guddoominaayay Afhayeenka Aqalka Hoose Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, xili ay wehliyeen labadiisa ku xigeen.

Furitaanka kulanka oo uu guddoomiye Mursal ka hadlay mudada uu hakadka ku jiray howlaha golaha ayuu qiray inay casharka ka barteen, isaga oo rajo wanaagasan ka muujiyay inaanu dib usoo laaban.

Mursal oo soo qaaday khilaafka gudoonka dhexdiisa ayaa bogaadiyay qaabka ay xalka ugu helayn ayaa wuxuu balanqaaday inay wixii hadda ka dambeeyay ay howsha si caadi ah kusoo laaban doonto.

Intaas kadib, wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle, ayaa ka hor-aqriyay Mudanayaasha Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2019, taasi oo muran iyo xiisad siyaasadeed oo xoogan abuurtay.

Inta uu ku guda jiray hadal-jeedinta ayuu ka dalbaday Xildhibaanada inay meel-mariyaan Miisaaniyada oo ku tilmaamay mid dalka usoo jiidaysa maal-geshi iyo kobac-dhaqaale oo xoogan.

Gabagabada kulanka, Gudoomiye Mursal ayaa ic-laamiyay Fadhi guud oo qabsoomay Berri oo Axad ah, kaasi oo ay xildhibaanada go'aan ka gaaraan oo cod loo qaado miisaaniyadda maadaama sanadku dhamaad marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM