​Xildhibaanada Somalia oo go'aan ka gaaray lacagta laga rabo Murashaxiinta Madaxweynaha iyo Barlamanka

Image

MUQDISHU, Somalia- Barlamanka cusub ee Somalia oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdishu islamarkaana ka doodayay arrimo ku aadan doorashada dalka ka dhacaysa 2017, ayaa go'aan ka gaaray qodobo dhawaan ay soo saareey madaxda madasha.

Xildhibaanada oo ka dooday lacagta laga qaadayo murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo horay madashu uga dhigtay 30,000 iyo Guddoonka labada aqal, ayaa shaaciyay xaddiga lacagta laga rabo.

Mudanayaasha Barlamanka ayaa isku raacay in lacagta Guddoonka labada Aqal laga dhigo  $15,000, sida ay GO u xaqiijiyeen qaar kamid ah Xildhibaanada fadhiga ku leh caasumadda Somalia.

Murashaxiinta Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale Xildhibaanadu sheegeen in looga baahanyahay lacag dhan 30,000 oo doollar taasoo ay horay  u go'aamiyeen Madaxda Madasha.

Mudanayaasha ayaase dhanic kale u rogay qodob madashu go'aamisay oo ahaa In Murashax kasta la yimaado 20 Xildhibaan, balse waxay isku raaceen in musharaxa madaxweynaha laga doonayo saxiixa 20 xildhibaan,  iyadoo loo ogol yahay in hal xildhibaan uu u saxiixo karo ilaa saddex musharax.

Todobaadkii hore mar xafladda dhaarinta uu ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan u oollin Madaxda Madasha balse ay go'aamin doonaan Barlamanka la dhaariyay Tallaadadii hore.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Mudanayaashaasi kulan uga socdo xarunta golaha Shacabka, waxaana ay ka doodi doonaan qodobo ay kamid tahay xeer hoosaadyo ay kusii shaqayn doonaan inta laga helayo Guddoon rasmi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM