Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Farmaajo oo War-murtiyeed soo saaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado kadib markii Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal uu ku dhawaaqay in laga tanaasuley Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo, ayaa Xildhibaanada mucaaradka waxay soo saareen war-murtiyeed.

Xildhibaano la magac-baxay "Kutladda Badbaada Qaran" ee Gollaha Shacabka ayaa cadeeyay in soo-jeedinta xilka qaadista Madaxweynaha lagu dhameeyay wada-hadal uu garwadeen ka yahay Mursal, iyagoo ogolaadey inay dib ulala laabtaan Mooshinka.

Waxay sheegeen Xildhibaanada inay u tanaasuleen maslaxadda dalka iyo xasiloonida siyaasadeed, islamarkaana ay tixgeliyeen odeyaynta Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, oo kulamo ku saabsan sidii loo joojin lahaa Mooshinka la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha.

Xildhibaanada aya War-murtiyeedkooda oo ka kooban 9 qodob ku dalbaday in la ixtiraamo, lana joojiyo faragelinta lagu hayo madax-banaanida Gollaha Shacabka iyo wax kasta oo kahor istaagi kara la xisaabtanka Xukuumadda.

Waxay ku baaqeen in la dhiso garsoor madax-banaan, gaar ahaan maxkamadda dastuuriga, taasoo awood u leh xalinta khilaafyada siyaasadeed ee dalka iyo marka u yimaado mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa dalbaday in ciidamada amniga loo madax-baneeyo shaqada ay u ahaan qaranka, lagana fogaado in loo isticmaalo dano siyaasadeed oo gaar ah oo ay leeyihiin cidda talada dalka haysa.

"Sharciga sarrayntiisa gorgortan lagama geli karo," ayuu yiri Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA AKHRI WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM