Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Farmaajo oo War-murtiyeed soo saaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado kadib markii Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal uu ku dhawaaqay in laga tanaasuley Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo, ayaa Xildhibaanada mucaaradka waxay soo saareen war-murtiyeed.

Xildhibaano la magac-baxay "Kutladda Badbaada Qaran" ee Gollaha Shacabka ayaa cadeeyay in soo-jeedinta xilka qaadista Madaxweynaha lagu dhameeyay wada-hadal uu garwadeen ka yahay Mursal, iyagoo ogolaadey inay dib ulala laabtaan Mooshinka.

Waxay sheegeen Xildhibaanada inay u tanaasuleen maslaxadda dalka iyo xasiloonida siyaasadeed, islamarkaana ay tixgeliyeen odeyaynta Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, oo kulamo ku saabsan sidii loo joojin lahaa Mooshinka la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha.

Xildhibaanada aya War-murtiyeedkooda oo ka kooban 9 qodob ku dalbaday in la ixtiraamo, lana joojiyo faragelinta lagu hayo madax-banaanida Gollaha Shacabka iyo wax kasta oo kahor istaagi kara la xisaabtanka Xukuumadda.

Waxay ku baaqeen in la dhiso garsoor madax-banaan, gaar ahaan maxkamadda dastuuriga, taasoo awood u leh xalinta khilaafyada siyaasadeed ee dalka iyo marka u yimaado mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa dalbaday in ciidamada amniga loo madax-baneeyo shaqada ay u ahaan qaranka, lagana fogaado in loo isticmaalo dano siyaasadeed oo gaar ah oo ay leeyihiin cidda talada dalka haysa.

"Sharciga sarrayntiisa gorgortan lagama geli karo," ayuu yiri Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA AKHRI WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM