Xildhibaanadii xayiraada lagu soo rogay oo go'aan soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda uu xayiraada kusoo rogay afhayeenka Aqalka Hoose oo shir jaraa'id ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan fadhiga berri.

Guddoomiye Mursal ayay xuseen "in uu si shaqsi ah u qaadayo" mas'uuliyadda cawaaqibka "warqadda dhiigeena lagu baneysanayo ee loo dhiibay" ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa shalay sheegay in mudaneyaasha ay mamnuuc ka tahay in ay soo xaadiraan 5-ta kulan ee soo soo aadan ee golaha.

Mursal oo qoraal soo saarey ayaa cuskaday in sharci-dejiyeyaasha ay is-hortaageen kulan uu golaha yeelan lahaa shalay isla markaana ajanduhu ahaa caabuqa Covid-19.

Balse, Xildhibaanadda ayaa ku eedeeyay Mursal in uu wadday ajande qarsoodi ah kaasoo ahaa in uu muddo kororsi laba sano ah u sameeyo madaxweynaha waqtiga ka dhacay.

Isniinta berri ah ayaa mar kale la iclaamiyey fadhi uu yeelanyo golaha. Ciidamadda waxaa la geliyey heegan buuxa. Cabsida in uu gacan ka hadal yimaado waa mid aad u sareysa.

Dhanka kale, Xildhibaanada waxay sheegeen in xarunta golaha lagu daadiyey ciidamo dharcad ah oo badankooda ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana lagu sameeyay dhaqan-celin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM