Xildhibaanno ka boodey derbiga Villa Somalia, lana kulmay Mursal [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox Xildhibaanno ay ayaa caawa jebiyay derbi lagu go'doomiyay hoyga uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal uu ka degan yahay aqalka Madaxtooyadda, Villa Somalia.

Xildhibaanada oo u badan kuwii saxiixay Mooshinka xilka-qaadista ee Farmaajo ayaa saaka loo diiday inay la kulmaan Mursal, balse ay u suurta-gashay caawa, kadib markii ay kasoo boodeen derbiga iyo dhagxaanta lagu xeen-daabey Gurigiisa.

"Amar ka Soo baxay Madaxtooyada ayaa gebi ahaanba lagu mamnuucey in Loo gudbi karo Mursal, sidoo kalena aan Laga Soo bixin karin. Qoyska Gudoomiyaha ayaa noo Xaqiiyey Caawa in Guriga Gudoomiyaha xitaa loo diidey cashadii In loo soo gubdiyo," ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in amar kasoo baxay xafiisyada Farmaajo iyo Khayre lagu go'doomiyay gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kadib markii xalay uu qabtey Mooshin laga keenay Madaxweynaha.

Mahad Salaad, oo kamid ah Xildhibaanada la kulmay Mursal ayaa nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in Gudoomiyihii Gollaha Shacabka mudo ka badan 24 xabsi guri la geliyo, oo sidaasi loola dhaqmo isagoo ah ninkii labaad ee ugi sareeyay dalka.

Khaliif Cabdi Cumar, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Khayre inay Mursal geliyeen xabsi guri, si ay uu baajiyaan Mooshinka, oo aan loo furin kulamadii Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM